DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo Beesha caalamka Arrimo muhiim ah kala hadlayo

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay sanadkaan qorsheynayaan in ay hormariyaan isla markaana dib u dhis ka smaeeyaan deegaanada ay ka taliyaan.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay kula kulmayaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Nairobi ay kula kulmayaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeedaa deegaanada Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in ay kala hadlayaan hormarinta deegaanada Galmudug iyo sidoo kale iney ka qeyb qaataan dhismaha iyo hormarinta deegaanada Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-