DHAGEYSO:- Khaatumo oo sheegatay inay dileen 8-ka tirsan ciidanka Somaliland+Faahfaahin laga helaayo goobta dagaalka

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Degaanka kala-beyr ayaa sheegaya in iska horimaadka halkaas ka dhacay uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Amniga Maamulka Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in ay dileen sideed askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliland afar kalana dhaawaceen. Hase yeeshee Wasiirka Amniga Khaatumo ayaa beeniyay in wax ciidamo kaga dhinteen dagaalkan balse waxa uu qiray in rag uu ugaga dhaawacmay dagaalka.

Dagaalka halkaa ka dhacay ayaa yimid ka dib markii ciidamada maamulka Khaatumo ay weerar ku qaadeen fariisamaha ciidanka Soomaaliland.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay maamulka la magac baxay Somaliland.