DHAGEYSO:- Dagal ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada Dowlada oo eedeyn loo jeediyay

0

Wararka ka imaanaya Xaafadda Soona-key ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaa ay ku dagaalameen Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaad,kuwaas oo la sheegay in Dhamaan ay isku Haybyihiin.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Dowladda ka tirsan iyo Maleeshiyaadka oo isku haysta Dhul ku yaalla Xaafadda Soona-key oo Dad laga saarayo.

Qof Goobjooge ah ayaa noo sheegay in Dagaal kooban uu halkaa ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Hubeysan oo dhamaan la sheegay in ay isku beel yihiin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-