DHAGEYSO:-Beel isaga baxday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe+Shir gaar ah oo ay ku dhawaaqeen

0

Mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa shaaca ka qaaday iney isaga baxeen shirka maamul usameynta goboladaas oo magaalada Jowhar ka soconaya.

Odayaasha Beesha Gaaljecel ayaa sheegay iney deegaan ahaan degan yihiin gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayna xaqu uleeyihiin in la siiyo saamida ay ku leeyihiin maanulka la dhisayo.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka beeshaas ayaa sheegay in hadii DF ay ka jawaabi weyso cabashadooda ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo ay ka sameyn doonaan deegaanada ay ka degaan Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Inta badan beelihii Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa isaga baxay shirka ka socda magaalada Jowhar kadib markii ay madaxweynaha DF Soomaaliya ay ku eedeeyeen inuu la saftay beesha uu kasoo jeedo.