DAAWO MUUQAALKA:- Amaro ka soo baxay wasaarada Xanaanada Xoolaha

0

C/naasir Maxamed Gaarane oo ah wasiir ku xigeennka wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay in wasaaradaasi koontoroli doonto dawooyinka xoolaha ee dibadaha ka imaanaya.

Gaarane wuxuu xusay talaabadaasi ay kaga hortagayaan dawooyinka keena cudurada aan la aqoon kuwaasoo hadii aan la koontorooli la soo gelin karo dawooyinkaasi.

“waxaa lagama maarmaan ah in lala socdo Dawooyinka xoolaha ee dalka la soo galinayo si looga fogaado cudurada aan la aqoon ee ku dhacay Xoolaha dalka”ayuu yiri Wasiir C/naasir Gaarane

Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha C/naasir Gaarane mar uu ka hadlayay wadada ay u marayaan koontoroolka dawooyinka xoolaha ee dalka la soo geliyo ayuu sheegay inay kala kaashan doonaan wasaarada ganacsiga iyo dhaqaatiirta aqoonta u leh howlahaasi.

“waxaan la kaashan doonaa wasaarada ganacsiga iyo dhaqaatiirta xoolaha ,sidoo kale waxaana rabnaa inaan kala saarno shaqaalaha wasaarada xanaanada xoolaha ,gaar ahaan shaqsi kasta waxa ay ku taqasustay si ay u sahlanaato koontoroolka dawooyinka xoolaha”ayuu yiri Gaarane.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=MF_rLT2hoSA