Yuusuf Garaad oo warbixin Xasaasi ah ka qoray Weerarkii Xeebta Liido

0

Madaxda Dowlad Goboleedka iyo Madaxda Qaranku waa in ay runta dalka iyo xaaladda shacabka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay ay fahmaan, dareemaan, una dhaqmaan si ka tarjumeysa xaaladdeenna.

In Shabaab ay weerar joogta ah ku hayso shacabka, bil kasta aan la taahno murugo haddiiba aan ka badbaadno weerarka, in ciidammadeennu ay xag daryeel, tababbar, iyo qalab intaba ay wax badani ka dhimman yihiin, haddana lagu mashquulo kulammo aan dastuurka meel uga oollin oo marba magaalo lagu ballammo natiijo xaaladda wax ka qabatana aanay ka soo bixin wey isu keey qaban la’ yihiin.

2016 waxa ay tahay in la qabto madal iyo safarro uma baahna ee Dastuurka ayay ku qoran tahay. Haddii la qaban diiday Dastuurkana la reed mari rabo, in 7 bilood aan doorasho xalaal ah lagu abaabuli karin waa wax u cad maskax kasta oo fayow iyo af kasta oo runta yaqaan kuna dhiiran kara.

Qoyska saddex walaala ah oo Jaamacad dhigta xalay looga dilay Liido oo ay u shaah tageen, bal maxaa ka khuseeya muranka Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha kale ee tirada badan ku dhex maraya madasha “wadatashiga”?

Ilaaheey ha laga yaabo.

Ummaddaan waa laga shaqeystaa. Madaxda aan sheegay mid kasta oo ka mid ah oo aan ka faa’idin dhaqaale iyo martabad xilka uu hayo anigu ma aqaan. Aayar ugu fiirso nin kasta oo hadda xil haya. Bal qiyaas sida uu maanta u nool yahay, sida loola dhaqmo, awooddiisa iyo inta aanuu xilka qaban meesha uu joogay iyo sida uu u noolaa.

Madaxdu sida ay uga shaqeystaan si le’eg ama ka badan waa in ay ugu adeegaan ummadda.

Wax kasta oo naga qarsoon Ilaaheey ayaa daalacanaya, mas’uul kastana kula xisaabtami doona xilka uu hayo iyo waxa ay ahayd in uu qabto ee uu hareer maray iyo sababta uu saa u yeelay.