WAR DEG DEG:- Xarun militeri Kenya ay leedahay oo baabuur laga xaday+Booliska oo amar ku bixiyay in la joojiyo gaari kasta

0

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa ku waramaya in baabuur ciidan oo noociisu yahay Land-cruiser midabkeedu cagaar yahay lagala baxay xerada militariga ee Embakasi ee magaalada Nairobi.Wararku waxay sheegayaan inay jirto cabsi ah in baabuurkani ugacan galo Alshabaab kadibna u adeegsadaan weeraro qaraxyo.

Booliska Kenya ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo baabuur kasta oo nooca la raadinayo ah dadka watana baadhitaan lagu sameeyo inkastoo dhaqanka jira uu yahay in baabuurta militarigu aysan ka amar qaadanin booliska.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka baabuurka xerada kala baxay ay noqon karaan oo kaliya ciidan dhaxdeesa maadaama cid kale aan loo ogolayn in xerada ay soo gasho.