WAR DEG DEG:- Kulan Albaabada u xiran yihiin oo ka scoda Magaalada Jowhar+Ogow kulanka cida ka qeyb galeysa iyo waxa looga hadlaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo maanta kulan albaabada uxiran yihiin oo Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xubno kale ay leeyihiin.

Kulanka ayaa ujeedkiisu yahay mid Wasaaradu ay ku xalineyso Cabasho ay muujinayaan Beelaha qaarkood waxaana kulamadu ay yihiin kuwo albaabada uxiran yihiin oo saxaafada dibada ka joogto.

Beelaha Qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Sadbursi lagu sameeyey qaabka Saami qeybsiga Beelaha odayaasha ay uga heleen maamulka loo Sameenayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xaalada Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale waxa la leeyahay waa mid deggan oo waxaa magaaladaasi la geeyey Ciidamo farabadan oo nabad gelyada xaqiijiyeen.