TOP NEWS:- Maamulka K/Galbeed oo go’aano ka soo saaray Isbaarooyinka

0

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay howlgal ka dhan ay Isbaarooyinka yaalal inta u dhaxeysa Shabeellaha hoose iyo Gobolka Baay ay qaadayaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Maxamed Max’uud Caseyr ayaa sheegay in inta u dhaxeysa Gobollada Shabeellaha hoose iyo Baay ay Isbaarooyin  badan yaallaan halkaas oo kooxo burcad ah ay dadka ku dhibaateeyaan.

Waxaa uu sheegay in ay warbixin ka soo saarayaan dadka dhigta Isbaarooyinka iypo sharci qabanaya,waxaana uu intaa ku daray in maamulka Koofur Galbeed aysan marna u dul qaadaneyn wax la yiraahdo Isbaaro.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay baabi’inayaan dhamaan Isbaarooyinka yaalla Gobollada uu ka arrimiyo maamulka Koofur Galbeed ee Bay,Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Waxa uu tilmaamay in ay Ciidamo badan oo uu leeyahay Koofur Galbeed ay tababar u soo xireen kuwaas oo uu sheegay in hadda ay qabsanayaan shaqadooda lagana hortagayo Isbaarooyinka faraha badan ee yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waddada isku xirta Baydhaba iyo Magaalada Muqdisho ayaa dadka ku safra waxaa ay ka cabanayaan Isbaarooyin yaalla Waddadaasi,kuwaa soo Maleeshiyada ay u yaallaan aysan deysan Nafta iyo maalka dadka socotada ah ee maraya Waddadaasi.