Maxay ka wada hadleyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku Xigeenka Ciraaq?+Sawiro Casri ah

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Maxamed Cabdi Cali waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in kulanka ka dhacay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq uu ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda islamarkaana waxyaabihii laga wada hadlay la isku af gartay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC ayaa geesta kalena kulammo la leh Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Islaamka ee kulanka kasoo qeybgalay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-2-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-3-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-4-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-5-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-6-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-8-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-9-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-10-1024x768 Kulanka-Gud-Jawari-Iyo-Allawi-11-1024x768