MAQAAL:-Gaas Puntland ha laga gaaro! W/Q Cali Soomow

0

Anigu kolayba yaabay, ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?! Waxaa la yiri gabar baa nin indho la’ oo ilmo badan haysta oo qaarkood rajo yihiin, oo aan xoolo haysan oo cayr ah laga reebi waayay, waliba gabar inan ah, kaaga daranee ninku maadaama uu indhoole yahay haweenka inta ku soo dhego lugaha dhexdooda gashto si aysan uga baxsan buu garaaca, yaab! Bal ammarka Ilaahay! Hadda Cabdi Wali Gaas muxuu ku raacay Xasan, shacabka Puntlandse Maxay Gaas u haystaan, maan gurucnaanta inta ay la egtahay, bal la ii sheega! malaha dadku doqomo ma ahee anigaa waalan, war Puntland hanbadeeda ninkaan hadaan laga qaban dhibkeeda berri mid aad wax ka qaban kartaan ma aha, barlamankii laaluush buu qaatay kuwa Xamar bay ku daydeen, Xasan Shiikh maxamuud baa u soo xaluushay.

Gen. Cadde Muuse, Col. Cabdullaahi Saciid Samatar, iyo Muuse Cali Jaamac maxaa ku dhacay, aaway is-bedelkii ay raadinayeen, anigu waxaan qabaa cabdi wal gaas odayaashaas iyagaa inoo keenay, haddee waxaanan garanayn ma is bedelkii ay inoo rabeen baa midkaan ahaa, maxaase loo wada aamusay, hiilkii aad shalay Puntland u galayseen manta ayeey uga baahi badantahay, waliba is bedel doon ma aha maanta ee waa badbaado doon! Sida ii muuqato beelihii labo labo baa laysugu diray talo isuguma imaan karaan, meel kasta waa laysu dudayaa, marka manta ina hor kaca oo aan badbaadino Puntland, waxay u baahantahay waa badbaadin, Cabdi wali Gaas waa laynoo soo diray, labo sano gudahood waxba ugama tegin Puntland, Waase iga su’aalee Gaas, Cameey, wasiirada Puntland iyo xil-dhibaannada ma lacag bay ka qaataan xasan Shiikh maxmuud?! Waan hubaa inay wax jiraan laakiin maxay yihin?

Siyaasiyiintii odayaashii dhaqanka maxaa afka qabtay dhammaantood?! Dad shacabka ah maxay la aamusanyihiin?! Ciidammada Puntland see wax yihiin! War nimaan belo arag baa belo ka sheekeeya?! Islaan Bashiir Islaan iyo Boqor Burhaan Boqor way fiicnaan lahayd inay hor kacaan wax ka qabashada arri ntan, Islaan Ciise Islaan maxaa aamusiiyay? Aaway af hayeenkii Isimmada Puntland Cabdullaahi Cali Ciid? Allah waqtigu yaraa, war ma wax qarsoon baa jira?! War khatarta ummadda iyo dalka uu Gaas u geystay baa cidna ka qarsoon? Wali waa dacwoonaynaa, madaxdii ummadda inay u baxsato la rabay baad tihiin?! Sharaftiina waa sharafta dadka Soomaaliyeed in Xasan Shiikh iyo Cadi wali gaas ay sharftii ummadda ku ciyaaraan, aaway Suldaan Saciid Maxamed Garaase, waa hubaal oo markay talo faraha ka baxdo hadaad adinkoo dhan isu tagtaan waxba ka qaban kari maysaan, haday wax ka qabasho leedahay, Shacabka adinkay idinka war sugayaan. Balo madax la qabtay leedahayee dabo la qabto ma leh!

Khaa,inimmada halkay gaartay Gaas mar kasta wuxuu ka hadlayaa waa laysu tanaasulayaa, ragga kale oo dhan waxay ka hadlayaan sidaan baa dadkayga u dan ah “ninna 100% wuxuu rabo heli mayo” buu gaas ku waashay cabdi Kariim guuleed oo Cadaado keliya jooga inkastoo Gaas Mudug u hibeeyay wuxuu taaganyahay “waxaan 4.5 ahyan aqbali mayo” marka gaas maxaa qasbaya isaga? Bal ii sheega, beesha Caalamka miyaa qasbaysa? Oo maxaa ku gaar ah isaga? Dadkay ka jecelyihiin oo waa nin PHD ah miyaa?! Annaga beesha Caalamka inama qasbi karto wixii dhici lahaa unbaa dhacayee cidna qasab innaguma laha, laakiin Gaas walee taariikh fiican lagaama dhaxlo, walle magac ummadda kuma yeelatid! Wallee fursad ku soo martaa,wallee buugaag badan baan soo aqriyaa! walle aqoonyahan baan ahay dambaan laynagu sirin! Oo gaas hadda maxaan buugaagtiisii ka dheefnay oo aan ahayn inuu Soomaaliya ragadiyay iyo inuu reer Puntland isku diray?!

Cabdi Ha La Tanaasulo! cid kale oo tanaasul ka hadlaysa wali ma maqal, balse haddii uu tanaasulo ma wuxuu mooday in xal iyo wanaag ku imaanayo sidaas, anigu waxaan hubaa Xasan Shiikh inuu dalka burburiyo oo colaado hor leh abuuro waxaa uga dhiman inuu helo tanaasulka Gaas u faro baxsanayo, Xasan Shiikh ma jirto cid kale oo qaynuunka ku xakamayn karta oo aan ahayn midkaan Gaas ah ee quwadiisii laga qariyay, Xasan wuxuu marayaa inuu yiraahdo Sharci iga horeeyay sharci ma aha, anigaa wax kasta ah (Total Man), waxaana gaarsiiyay Gaas iyo siyaasad xumidiisa, qaynuunka oo Gaas ka baqayo oo Xasan uusan ka cabsanayn, wallee nimaan yaab arag baa yaab sheekeeya!

Gaas sida hadda muuqata wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ay beesha caalamka u diyaarsatay inay ku dhacdo khayraadka ummada Soomaaliyeed, sababta uu u tanaasulayana wax kale ma ahee waxaa la oran karaa wuxuu ka mid noqday siyaasiyiinta uu Xasan Shiikh ugu horeeyo ee saxiixooda la rabo in laynagu dhaco, wuxuuna ka mid noqday Cabdi kariim Guuleed, camur cabdi rashiid, Maxamed cusmaan Jawaari, si loo celiyo Xasan sheikh, isla markaasna uu u dhameeyo sharciyeeynta boobka khayraadka dalka lagu hayo, sidaa daraadeed ciriqa xun ee guumeystaha ee Puntland ku jira waa gaas, waana in ummadda laga gaaraa.

Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha noolaato!

Wa-bilaahi Towfiiq!

Cali Cilmi Soomow