Maamulka Galmudug oo Fariin culus u diray Dowlada Kenya….

0

Wasiiru dowlaha caafimaadka Galmudug Ali Dahir Ciid ayaa si caro leh uga hadlay duqeymaha ciidanka Kenya ay kawadaan gobolka Gedo, kaasi oo lagu bartilmaameedsanayo shacab aan waxba galabsan.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlayey ayaa sheegay in aan la aqbaleyn xasuuqa shacabka Gedo lagu hayo ee ku aadan duqeymaha diyaaradaha Kenya.

” Kenya kama aqbaleyno in shacabka Gedo ka aarsato waxa ay u geysteen Al-Shabaab. Haddii ay doonayaan inay la dagaalaan argagixisada cidi kama hortaagna, balse shacab markii hore dhib qabay in haddana duqeymo loogu daro ma yeeli karno” ayuu yiri wasiir Ali Dahir Ciid.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in dhiiga shacabka Soomaaliyeed uusan aheyn biyo aan qiimo laheyn, isagoona taasi baddelkeeda ku tilmaamay inuu yahay mid u qiimeysan sida ay Kenya uga gubaneyso ciidanka ay ku weysay weerarkii Ceelcade.

ciid
Wasiiru dowlaha caafimaadka Galmudug , Ali Dahir Ciid

“Waxaa saaka aan la hadlay shacab kala jooga Ceelcade iyo Ceelgaduud, waxaana loo geystay duqeymo khasaaro badan leh, taasi ka aamus ma leh ee waa ka dhiidhin” ayuu yiri wasiir Ali Dahir oo intaasi ku daray:

“Kenya uma habboona inay cadaawad ka sameysato shacabka Soomaaliyeed ee la wadaaga dalkaasi xuduuda ugu dheer ee leh Baledxaawo ilaa Gariileey, waxaase taasi badalkeeda laga rabaa inay shacabkaasi la kaashato la dagaalanka cadowga nabada ee gobolka ee Al-Shabaab” ayuu yiri wasiiru dowlaha caafimaadka Galmudug.

Hadalka wasiirka ayaa ah mas’uulka kaliya oo ka tirsan maamul goboleed ee duqeymahaasi ka hadlay, iyaddoo maamulka Jubbaland oo uu ka tirsan yahay gobolka Gedo iyo dowlada Soomaaliya ka hadlin xasuuqa shacabka Gedo ay ku heyso dowlada Kenya.