Dowlado Cusub oo war cad ka soo saaray Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido

0

Dowladaha waddamada Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Koonfur Afrika ayaa si isku mid ah u cambaareeyey weerarkii habeenkii Khamiista ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo babxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu yiri ”’Waxaanu cambaareyneynaa weerarkan fooshan xun ee lala beegsaday shacabka iyo xaaladda soo hagaageyso ee dalka’’, waxaana dowladda Turkiga  caddeeysay in dowladda Soomaaliya ay ka taageereyso la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna sheegtay in ayey aad u taageerayso qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya kula dagaalameyso nooc kasta oo argagixiso ah ee ka jira Soomaaliya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in laga shaqeeyo sidii xididida loogu siibi lahaa, xalna loogu heli lahaa argagixisada Shabaab.

Sidoo kale dalka Koonfur Afrika ayaa  cambaareeyey weerarka xeebta Liido, waxayna dowladda Soomaaliya uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarka.

War-saxaafadeed ka soo baxay waaxda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in ay  kala siman yihiin Midowga Afrika iyo xubnaha kale ee caalamka cambaareynta weerarka lala eegtay rayidka, iyadoo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay falalka argagixisanimo.

Dowladda Koonfur Afrika ay sheegtay in ay ka go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayso dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

1