DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo sheegay in Caafimaad dibadda ah loo qaadayo Dadkii ku dhaawacmay Xeebta Liido

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay Kormeer ku tagay  Maqaaxidii uu ka dhacay Weerarka iyo Qaraxyada ee ku taala Xeebta Liido ayaa sheegay in Dadkii ku dhaawacmay Ee aadka u daran loo qaadi doono Caafimaad dhanka dibadda ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dadkii ku dhintay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Xeebta Liido uu Allah uga baryayo inuu u naxaristo islamarkaana kuwii ku dhaawacmay uu Allah uga rajeeyay inuu Caafimaad taam ah siiyo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab ay u soo jeesteen Leynta Dadka Shacabka ah islamarkaana ay Macquul tahay in ay bilaabaan Beegsiga Xaruumaha Caafimaad iyo kuwa waxbarasho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-