DHAGEYSO QISO MURUGO BADAN WEERARKII XEEBTA LIIDO:- Sedexdii walaalo ee isla geeriyoodday waa la isku dhinac aasay

0

Weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, waxaa ku geriyooday 20 qof oo ay ku jiraan afar Shabaab, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo badan. Weerarka waxaa sheegtay Al-Shabaab.

Dadka weerarka ku geeriyooday waxaa ka mid ah saddex qof oo walaalo ah, oo ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food, sida uu sheegay wiil la dhashay saddexdaas qof oo la hadlay VOA qeybteeda afsoomaaliga.

Cabdifataax Maxamed Kheyre, ayaa VOA u sheegay in laba Gabdhood iyo wiil ay ahaayeen kuwa qoyskooda ka dhintay weerarka, kuwaas oo isla shalay la isku dhinac aasay.

Waxa uu tilmaamay inay maqaayadda u tageen si ay waqti fiican ula soo qaataan ubad ay dhaleen walaalihiisa, maaddama uu ka soo xirmay imtixaanaadka Iskuullo iyo Jaamacado ay dhiganayeen.