DHAGEYSO:- Qiso dhex martay Dhaaley iyo Wiil 10-jir ah uu ka badbaadiyay weerarkii xeebta liido

0

Dadkii ka badbaaday weerarkii habeen hore ka dhacay xeebta liito ee magaalada Muqdisho waxa ka mid ahaa Maxamed Cabdullaahi Dhaaley oo ah nin dhalinyara ah.

Dhaaley waxa uu sidoo kale badbaadiyey wiil yar oo da’diisu uu ku qiyaasay 10 jir oo uu weerarka dhaawac ka soo gaaray.

Maxamed Dhaaley waxa uu boggiisa facebook ku soo bandhigay sheeko dhaxmartay isaga iyo willka yar intii uu isbitaalka u sii waday.