DHAGEYSO:- Odayaal ka tagay Jowhar oo gaaray Beledweyne iyo Xaflado soo dhaweyn ah oo loo sameeyay

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Magaaladaasi ay tageen Odayaal iyo waxgarad ka soo carowday Shirka Jowhar.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa sheegay in aysan ku qancin habka loo qeybiyay Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee la filayo in Maanta lagu Xareeyo hoolka Shirarka ee Magaalada Jowhar.

Odayaasha iyo waxgaradka Markii ay tageen Magaalada Beledweyne waxaa halkaasi loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah iyo welibo kuwa lagu taageerayo go’aankii ay ka gaareeN Shirka ka soconayo Magaalada Jowhar.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa markii ay tageen Magaalada Beledweyne waxay sheegeen in aysan ku qancin beel ahaan qaabkii ay wasaarada Arrimaha gudaha wax u qeybisay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-