DHAGEYSO:- Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug oo u dhoofay Magaalada Nairobi iyo qrshooyin Cusub oo uu la tagayo

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo wafdi uu Hogaaminayay ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Socdaalkiisa waxaa la sheegay iney qeyb ka tahay dadaalo Maamulka Galmudug uu ku doonayo in Jaaliyada dibadaha loogu qanciyo iney Dhaqaale ku bixiyaan dhisida Deegaanada Labada Gobal ee Maamulka Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado waxaa ka sii sagootiyay Madaxweyne ku Xigeenka Xubno ka tirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo inta uusan ka amba bixin Garoonka la hadlay warbaahin ayaa sheegay inta uu Magaalada Nairobi ku sugan yahay inuu la kulmi doono Masuuliyiinta Dowlada Kenya iyo Beesha Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-