DHAGEYSO:- Maamulka Khaatumo oo guul ka sheegtay dagaal ay la gashay Somaliland

0

Maamulka Khaatumo ayaa guul ka sheegtay dagaal maanta u dhaxeeyay Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray degaanka Balli Cad iyo Kala Bayr ee Gobolka Sool, halkaas oo 10-kii Bishaan ay Somaliland kala wareegtay maamulka Khaatumo.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalka ay la galeen maamulka Somaliland.

Axmed waxaa uu sheegay in Labo qeyb uu kala ahaa dagaalka,Labaduba ay iyaga qaadeen,waxaana ay ka kala dhaceen Degaannada Balli cad iyo Kala Bayr ee Gobolka Sool.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi ayuu sheegay in dhinacooda la dhigay Degmada Buuhoodle ee Gobolkaasi,halka kuwa gaaray Somaliland ay iyaga qaateen.

Dhinaca maamulka Somaliland waxaa ay sheegeen in xalay weerar lagu soo qaaday ay guul ka gaareen,kana adkaadeen Maamulka Khaatumo oo ay sheegeen in khasaarihii ka gaaray dagaalkaasi la geeyay Buuhoodle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-