DHAGEYSO:- Gudomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo Baqdaad kaga qeyb galaaya shir+Ogow doorka Soomaaliya ay ku leedahay shirkaasi

0

Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxaa ka furmaaya shir ay isugu imanayaan ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa shirkaasi lagu wadaa in uu ka qayb galo inkastoo qaar kamid ah dawladaha Khaliijku aysan tagi doonin shirkaasi sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya dawladaha Sacuudiga iyo Iiraan.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Khadiija al-Makhsuumi, ayaa laga wareystay shirkaasi iyo waxa looga hadlaayo.