DHAGEYSO:- Faah faahino ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Khaatumo oo ka dhacay Sool

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada kala bayr iyo Bali cad, waxa uuna dagaalkaasi u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa ka bilowday sida la sheegay ka dib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Khaatumo ay Weerar ku qaadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah oo ku sugan deegaanadii lagu dagaalamay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxa Saraakiisha Ciidamada maamulada Khaatumo iyo Somaliland eek u aadan dagaalka.

Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa weli ka taagan Xiisad colaadeed ee ku aadan dagaalka labada Maamul.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa dhawaan qabsaday Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland kuwaasi oo watay hub iyo gaari fara badan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-