DHAGEYSO:- Deegaano Al-Shabaab ay go’doomiyeen oo caruur badan ugu geeriyoonayaan cuduro kala duwan

0

Gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka jirto Bardaale iyo Diinsoor taasoo ah cuduro laaynaya caruurta iyo adeegyo caafimaad oo aysan heli Karin.

Caruur badan ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyoodka halka qaar kale ay la dhibaatoonayaan cudurkaasi oo ay hada la jiifaan.

Maadaama ay deegaanka go’doomiyeen Al-Shabaab waa sababta aysan dadka u heli Karin adeegii caafimaadka oo ay u baahnaayeen.