Daawo Sawirada Madaxweynaha Kenya oo booqday dhaawacyada Askartii weerarkii Ceel Cadde

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa Isbitaalka ciidanka ee Magaalada Nairobi waxa uu ku booqday dhaawacyada Askartii waxyeelada ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Kenyatta oo ay wehliyaan Xaaskiisa, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya iyo qaar ka tirsan Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ayaa indhahooda ku soo arkay dhaawacyada Askarta soo gaartay.

Madaxweynaha Kenya oo mid mid u salaamay Askarta dhaawaca ah ayaa u rajeeyay inay dhaqsi ku soo caafimaaddaan.

Uhuru Kenyatta, waxa uu sheegay ciidanka inay u dhaawacmeen difaaca dalkooda, maadaama shaqada ay ku jiraan ay tahay mid qaran.

Weerarka ka dhacay Deegaanka Ceel Cadde oo dhacay todobaad ka horay ayaa Ciidanka Kenya waxaa ka soo gaaray Khasaare lixaad leh, inkastoo Xukuumadda Nairobi aysan shaacin tirada Askarta waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Kenyatta 1 Kenyatta 2 Kenyatta 3 Kenyatta 4 Kenyatta 5 Kenyatta 6 Kenyatta 7 Kenyatta 8 Kenyatta 9 Kenyatta 10