Tahriibayaal badan oo ku dhintay Dalka ka Turki iyo Soomaali badan oo ku jiray

0

Ugu yaraan 40 qof oo tahriib ahaa ayaa ku dhintay laba shil oo kala duwan oo ka dhacay xeebaha ka baxsan waddanka Turkey, iyadoo ay sii socoto dadka sida degdegga ah ugu soo qulqulaya waddammada Midowga Yurub.

Dad fara badan ayaan meel lagu sheegin geeri iyo nolol toona kaddib markii laba doonyood ay ku degeen biyo aad u qabow agagaaraha jasiiradaha Giriigga ee Farmakonisi and Kalolimnos.

Dowladaha Jarmalka iyo Turkiga ayaa magaalada Berlin kaga shiraya wixii ay ka yeeli lahaayeen dhibaatada dadka soo galootiga ah.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel waxay doonaysaa in Turkigu uu adkeeyo ilaalinta xuduudihiisa, taas beddelkeedana ay Turkiga siiyaan lacag iyo tas-hiilaad kale.

Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska ayaa isaguna ka digay in mujtamaca Yurub ay gebi ahaanba la kulmi doonaan xasillooni darro haddii ay iskudayaan inay qaataan qof kasta oo qaxooti ah oo qaaradda yimaad.

Waraysi uu BBC-da siiyay, Manuel Valls, waxaa uu ku sheegay in Midowga Yurub ay u baahan yihiin inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah si ay u xoojiyaan maamulka xuduudahooda dibadda.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, waxaa uu sheegay in Maraykanku ay weydiisan doonaan waddammada deeqda bixiya inay 30% kordhiyaan lacagaha ay sannad walba ku bixyaan codsiyada bani’aadanimo ee caalamka, si ay isu-geynta lacagtaasi u noqoto 13 bilyan oo dollar.

Mr Kerry wuxuu kaloo sheegay in Washington ay weydiisan doonto in la kordhiyo tirada waddammada qaxootiga qaadanaya, marka madaxweyne Obama uu marti geliyo shir ku saabsan dhibaatada qaxootiga adduunka oo lagu barbar qaban doono shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo bisha September ka dhici doona New York.

Xigasho BBC