Naxdin+Sawirro: Sadex Walaalo Ah Oo Midi Xaamilo Tahay Oo Xalay Lagu Dilay Weerarkii Ka Dhacay Liido.

0

Weerarkii wuxuushnimada ahaa ee xalay ay kooxda shabaab ku qaadeen Hotelo iyo Maqaayado kuyaala xeebta liido ayaa Geystay khasaare nafeed oo lixaad leh taasoo soo gaartay inta badan shacab halkaasi ku sugnaa, iyadoo khasaaraha Dhimasho uu gaaray ilaa 20 qof ilaa iyo hada. saddex walaalo ah oo shacab ahaa ayaa halkaasi ku quur baxay kuwaasoo lagu kala magacaabi jirey, Cabdiqani Maxamed Kheyre 24 jir, Fardowso Maxamed Kheyre 22 jir iyo Niciimo Maxamed Kheyre 15 jir oo dhamaantood ahaa arday.

Cabdiqani ayaa ahaa arday dhigta kulliyada caafimaadka jaamacada Jazeera ee magaalada muqdisho sidoo kale fardwosa ayaa aheyd ardayad kabaxday kulliyada kalkaalisinimada ee jaamacada Somalia islamarkaana aheyd Qof Xaamilo ah, halka niciimo ay dhigan jirtay iskuulka axmed Gurey kalaaska 9-aad.

Alle ha unaxariistee saddexdan walaalaha ah ayaa kaqeyb galayey xaflad kasocotay Hotel Beach View ee kuyaala xeebta liido kaasoo ah hotelka la weeraray iyadoo xilligaasi ay fadhiyeen barxada hotelka oo marqura qarax iyo Rasaas si indho la’aan ahi loogu furay shacabkii Halkaasim ku sugnaa.

Aabaha Dhalay Caruurta halkaasi ku le’atay ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dhex yaacay maskax ahaana uu daganeyn iminka.

Qoyska Reer maxamed kheyre ayaa waxaa kaliya kaharay labo qof oo xilligaasi kamaqnaa halkaasi iyadoo musiibadaan laga wada dareemay iskuulkii iyo jaamacadihii iyo dariskii Qoyskaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaato sidan oo kale ay qabsato dad shacab ah oo aan war u heyn siyaasadaha isdiidan ee dalka iyadoo waxyeeladan ay noqoneso mid uur kutaalo iyo mahadho kureebta umada soomaaliyeed ee la daalaa dhaceysay dhibaatooyin dhinac walba ah.

sawirka marxuumiinta
Wixii cadeyn ama faahfaahin dheeraad ah waxad kala xiriiri kartaan walaalka la dhashay marxuumiintaas oo lagu magacaabo C/fataax Maxamed Kheyre oo muqdisho ku sugan telefoonkiisana waa 00252615821182.

Waxaa warbixintan warbaahinta Allgalgaduud Media soo gaarisiiyay:

Hussein Haji Osman
Freelance journalist