Mareexaan Gudihiisa Afar Kooxood Baa Loo Sameystay Inay La Haraan. W/Q: Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed.

0

Afeef:Nin ragga oo damiir lihi waa uu garanayaa waxaan ka hadlayo waxay yihiin, doqon miciyo dheerna waa yeelkii waligiina ha u maleeyo in aan caayayo Mareexaan.

Aduunyada Subaxba meel bey maraysaa saakana bal aan u jaleeco mucjiso ka mid mucjisooyinka reerkaan ka dhashay ee gobta iyo libaaxyada ahaa ku habsatay ee dadyow isu tagay u tashteen.

Aduunkan aan joogno maanta waxaa ummadihii ku noolaa dhamaantood gaar ahaana Soomaalida horboodaya ama hogaanka u haya aqoonyahano da’a yar ah lehna qibrado aqooneed oo kala duwan iyo caqli, damiir iyo qabka insaankana ilaaheey siiyay.

Saaka Waxaan eegay afarta dhinac dalkeeni min Raas Caseer ilaa iyo Raaskambooni, saa haddana waxaan ku xijiyay halkaan joogo oo dalka dibeddiisa ah, haddana waxaan eegay deegaanada iyo dad beesha aan ka dhashay ee Mareexaan waxaana iisoo baxday in afar kooxood oo loo sameytay in reerkaan ka dhashay ee gobta iyo libaaxyada ahaa ay la haraan unna diidaan in ay la tartamaan ama la jaan qaadaan ummadaha kale ee ku nool dalka Soomaaliya  iyo caalamka intiisa kale. kuwaa oo kala ah

1- Kirishbooy Hogaamiye iyo Siyaasi sheeganaya oo meel walba taagan

2- Baqayl Qaylo, Faan iyo Xan Badan.

3- Aqoon yahan kacaanki barakaysnaa ee waxbaray caayaya si dadka kacaan diidka ahaa usoo dhaweeyaan ama u jeclaadaan ogoowna masoo dhexgalo dadkuu ka dhashay ee waa uu ka dhuuntaa amaba ka cararaa.

4- Qurbajoog toodiba gabay, oo 24ka saac telefoonka dhagta ku haysa oo habo yaraato’e jihada wax usocdaan dal iyo dadba aan ogeyn markaas uun waxii uu u sheego siyaasiga kan sheegta ee ay ku xiran yihiin ama u adeegaan oo kaliya ka duula.

Ma ay jiraan reer Soomaliyeed ama bulshada kale ee caalamka oo ogol  inay horboodaan ama ka dhex hadlaan dad noocaan oo kale ah, mana garan karo waxa Mareexaan ku jaribaya inay ogolaadaan hadiiba aysan jirin meel kaloo noocan oo kale ka hoowl galaan.

Haddaba Aan idiin kala fur furo ama dhig dhigo oo mid walbaa idiin macneeyo waxuu yahay.

Kirishbooy Hogaamiye iyo Siyaasi sheeganaya oo meel walba taagan waxaan ulla jeedaa waa ragga maamul goboleedyada noogu jira iyo xildhibaanada kuwa lagu sheego ee aan anigu u aqaan xilmadhibeyaasha mid walbana leh waxaan mataalaa deegaanada iyo dadka Mareexaan, Magaca Allaah ayaan idinku dhaariyay’e eeg adinkoo ay qabyaaladi idin qaadin iyo xinka jifo hoosaadka soomaalida la haray.

Maamul walba haduu yahay kuwa maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, Xildhibaanada maamuladaas oo dhan waxay xooga saareen inay sameytaan ama keensadeen dad lagu tilmaamayo inay yihiin Mareexaan, bal dib u eega dhamaantood dadkaas naloo keensaday si sharafteen iyo dadnimadeena iyo jiritaankeena loogu gafo ama loo baabi’iyo, Aragooda, Hadalkooda Dhaqankooda iyo Damiirkooda, Walaaleyaal runtana ka sheega Allena ka baqa Mareexaan ma qabataa sidan inuu daawdo ama ka aamusnaado?

Baqayl Qaylo, Faan iyo Xan Badan waxaan ulla jeedaa kuwa cid walba horbooda, markaas waxuu taageersan yahay buun buuniya ama faaniya, Xanta waxii fikirkiisa xun kasoo horjeedana meel walbaa la taagan, markaad aragto ama maqasho codkiisana aad moodayso nin cirka iyo dhulka kala haya, balse xaqiiqdu waxa ay tahaya waligii xataa waxa uu taageerayo markaas shilin kuma bixiyo, waxaas oo dhana waxa uu u sameenayo ama ka heleyo hadaa weydiiso qudhiisa mayaqaan.

Aqoon yahan kacaanki barakaysnaa ee waxbaray caayaya si dadka kacaan diidka ahaa usoo dhaweeyaan ama u jeclaadaan ogoowna masoo dhexgalo dadkuu ka dhashay ee waa uu ka dhuuntaa amaba ka cararaa, bal eeg aqoonyahanada kale ee Soomaalida waxaad arkaysaa in intooda badan ay si toos ah iyo si dadbanba u taageeraan jabhadii cadowga Soomaaliyeed usoo adeegsaday burburinta dalka sida SSDF, USC SNM, SDM, SPM iwm, maxaa aqoon yahanka Mareexaan ku saladay caayda dowladdii Kacaanka ahayd oo uu u qancinayaan kuwa taageeraya jabhado kacaan iyo soomaali diid ah oo u adeega ilaa maalinkaa ilaa maantadan aanu joogno dalal shisheeye si dalka loo burburiyo.

U fiirso aqoon yahanka Mareexaan beeshiisa waa uu ka cararaa, halka aqoon yahanada kale ee Soomaaliyeed nin walbaa uu salka la galay beeshii uu kasoo jeeday, maxaa ugu wacan aqoon yahanka Mareexaan inuu Kacaanki Barakeysnaa ee isaga wax soo baray u caayo ama ku qanciyo caaydaas kooxo Qaran iyo Soomaali diid ah oo uu ka sareeyo, bal magaca Allaah ayaan idinku dhaariyaye jawaab ma u heleysaan? hanna i oranina waa doqon ama waxbaa ka si ah?

Qurbajoog toodiba gabay, ee 24ka saac telefoonka dhagta ku haysa oo habo yaraato’e jihada wax usocdaan dal iyo dadba aan ogeyn markaas uun waxii loo sheego oo kaliya ka duula, waxaan ulla jeedaa waa kooxo waashay filina maayo in wax miyir qabaa ay ku jiraan, koox oo ka mid ah kooxahan waxay ku xiran yihiin dhoowr nin oo sheegta siyaasiyiin oo iyagu dano leh, waxii nimankaa siyaasiyiinta sheegta u soo sheegaan ayay bulshada Sade la dhex wareegaan, cid labaad iyo cid sadexaad xataa lama xiriiraan si ay u xaqiijiyaan run ahaanshaha waxa siyaasiyiinta u sheegeen si ay bulshada u sheegaan warar sugan oo runta ku saleysan, qolyo sadexaad iyo ilo wareedyo sugan oo kala duwan xogta kama soo qaataan, sidooda bilaadanbana xataa kama xishoodaan inay been sheegaan, subaxdii iyo ilaa habeenkiina waxay dhagta ku hayaan telefoonka been kaliya ayay aruuriyaan si ay dadka beesha Mareexaan ugu seexiyaan beentaas iyo waxaan jirin, waa marin habaabin cad iyo jahwareerin, sababtoo ah dadka haddii waxa jira ee runta ah loo sheego waa ay ka cayaan markay kacaana waa ay tashanayaan, haddii ay tashtaana waxaa laga maarmayaa ama meesha ka baxaya siyaasiyiinta aan nuxurka ugu fadhin beesha Mareexaan oo dhan, Haddaba fahan ujeedada dhabta ah iyo shaqada ay kooxahan qabtaan, waa Isbaaro cad waxaana loo dhigtay isbaaradan waa in dadka laga ilaaliyo inay wax fahmaan ama fakaraan oo xor ka noqdaan maskaxda si ay u tashtaan.

Dhinaca kale kooxaha kala duwan ee Qurbajoogta toodiba gabay ee la shaqeysta siyaasiyiinta tirada yar ee danaha gaarka leh ee ku sugan Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin in si wada jir ah ay ulla dagaalamaan cid walba oo wada wanaaga iyo danaha beesha Mareexaan, si ay meesha uga bixin burcadda isbahaysatay ee Isbaarada Mareexaan koox kooxda ugu dhigatay.

Gabagabadi Mareexaanka xorta ka ah maskaxda ee diiday in caqligooda loo gafo waxa jirana og iyo bulshada Mareexaan ee aan waxba ogeyn ama la socon halka wax marayaan, walaaleyaal waxaan idin leeyahay hadaa maqashaan qofka aadanaha waa la gumeystaa, gumeysiga nooca ugu xun ee qof aadanaha ah la gumeysto waa marka caqliga qofka laga gumeysto, ka xorooba in caqliga leydinka gumeysto, ka xorooba nin aan waxba noqonayn inaad jifo hoosaad ugu adeegtaan, ka xorooba shaqsi idinla mid ah inuu caqligiina u gafo, fadlan fadlan fadlan ka xorooba afartan kooxood ee aan kor kusoo xusay sababtoo ah waxaan foolxumo, ceeb, been, gunimo, meel xun joog iyo riyo maalmeed ahayn idiinma hayaan, sameysta waxaad isku raacdeen intii maalin walba koox dano leh idinku awr kacsan lahayd, waligiina ogaada hal mid ah qof walbaa oo Mareexaan ah damiirna leh miyirkiisuna taam yahay waa MAS’UUL, waxaana mas’uuliyad ka saaran tahay dhowrida iyo difaacida sharafta magaca Mareexaan iyo sidoo kale dadka iyo deegaanada Mareexaan.

Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane
Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye
Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg