DHAGEYSO WAREYSI:- Waxgarad iyo Nabadoono ka so horjeestay Shirka Jowhar, go’aan ka soo saaray

0

Waxaa isa soo taraya beelaha wax ka tabanaya habka Wasaaradda arimaha gudaha ugu qeybsiga beelaha dega Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe Odayaasha soo xulaya ergooyinka ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Beesha Dagoodiye oo ka mid ah beelaha dega labada gobol ee Maamulka loo sameynayo isla markaana dega 16 Tuulo oo ka mid ah labadaasi Gobolka.

Waxgarad ka mid ka mid ah Beesha Dagoodiye oo Wareysi siiyay Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn qaabka Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka u soo bandhigtay shaxda beelaha loogu wadaajiyay Odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka.

Waxa uu tilmaamay in Barnaamijkaaasi lagu duudsiiyay xuquuqdii ay lahaayeen,islamarkaana dhankooda aysan ku qanacsaneyn,waxayna baaq u jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka oo ku aadan in arintaan ay soo fara geliyaan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-