DHAGEYSO:-Qaramada midoobay oo cambaareysay weerarkii xalay ka dhacay xeebta liido ee muqdisho

0

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii xalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen maqaayad ku taalo xeebta Liido oo lagu magacaabo Liido Sea Food.

Wuxuu sheegay Mr Michael inuu ka xun yahay waxa dhacay,islamarkaana si aad ah u cambaareynayo,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in dareenkiisa uu la jiro Shacabka iyagu ku sugnaa maqaayada weerarka lagu qaaday gaar ahaan kuwa waxyeelada soo gaartay.

Weerarkii xalay oo qaatay in ka badan 10-saacadood ayaa mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay ururka Al-shabaab,inkastoo aysan shaacin tirada ay ku dileen weerarka.

Dadka dhintay oo ka badan 20-ruux ayaa waxaa la sheegayaa iney ku jiraan carruur iyo Haween iyagu ehal isu ahaa oo maqaayada u damaashaad tagay,kuwaasi haleeshay rasaasta iyo qaraxyada ay fulinayeen kooxaha hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si rasmi ah howlgalka loo soo af-jaray,islamarkaana dadkii ku go’doonsanaa gudaha maqayaada ciidanka amaanka ay soo badbaadiyeen.

Dadkii xalay waxyeelada ka soo gaartay weerarka Liido waxaa ku jira wariye Max’ed Ibraahim Macalimow oo horay uga soo shaqeeyay BBC-da,kaasi oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray qeybta sare ee jirkiisa,sidoo kale waxaa jiray wariyaal bilowgii weerarka la la’aa.balse markii danbe la helay.