DHAGEYSO:- Gudoomiyaha degmada C/casiis oo meydad hor leh ku arkay Liido Sea Food

0

Gudoomiyaha degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir Cusmaan Muxudiin Cali Cariif oo maanta booqday xeebta Liido gaar ahaan maqaayada Liido Sea Food ayaa sheegay in meydad hor leh oo aan ahayn tiro 21-ruux oo horay loo shaaciyay uu indhihiisa ku arkay,kuwaasi oo gaaray in ka badan toboneeyo.

Wuxuu sheegay in meydadka qaarkood meelo hoose laga soo saarayay,kuwaasi oo ku dhintay rasaaastii iyo qaraxyadii xalay kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku weerareen maqaayada Liido Sea Food oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale,Gudoomiyaha degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir wuxuu sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka Shabaab xalay ilaa iyo saakay la daad gureynayay si loo gaarsiiyo goobaha caafimaad oo lagu baxnaaninayo.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka,waxaana bur bur xoogan laga dareemaya maqaayada iyo waliba gaadiidkii goobta yiilay,sidoo kale waxaa goobta lagu arkayaa hilbaha qaar ka mid ah dadkii maqaayada ku sugnaa oo Qaraxyada ay haleeleen.