DHAGEYSO:- Galmudug oo War cad ka soo saartay Masuul ka tirsanaa Maamulkooda oo muqdisho lagu dilay

0

Maamulka Galmudug ayaa tacsi u diray dhamaan Ehelada, qaraabada iyo Baarlamaanka Galmudug geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Bille Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo Wareysi siiyay Warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin dhibaatada ku dhacday Soomaaliyeed eek u dhamaaday Weerarki ka dhacay Xeebta Liido.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay si gaar ah ugu xun yihiin geeridii ku timid Xildhibaan Bille oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug eek u dhintay qaraxii ka dhacay Xeebta Liido.

Waxa uu Hay’adaha amaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay adkeeyaan amaanka Caasimada Muqdisho iyo sidoo kale amaanka Masuuliyiinta Dowlada Dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-