DHAGEYSO:- Gaas oo sheegay in Puntland aysan marnaba raali ka noqoneyn nidaamka 4.5 in lagu sii Shaqeeyo

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan warka sheegaya in Puntland ay ka tanaasushay in doorashada dalka lagu saleeyo hab deegaan.

Waxa uu sheegay in shirka Muqdisho ka dhacaya aysan ka hordhacayn, waxaana Puntland si wayn looga hadal hayaa tanaasulka soo shaac baxay ee Puntland iyo Jubbaland ay sameeyeen kaas oo ah in ay ogolaadeen doorashada in lagu saleeyo 4.5.

Waxa uu xusay Madaxweynaha Puntland in shacabka Reer Puntland aragtidoodii ay Kismaayo geeyeen, waxaana uu sheegay in Puntland tanaasul iyo isu soo dhawaansho ay diyaar u tahay

Hoos ka Dhageyso Codka:-