DHAGEYSO:-Ciidamada Kenya oo duqeymo ka wada deegaan ka tirsan gobolka Gedo+Barakac socda

0

Wararka ka imanay deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xooggan isla markaana ay ciidamada dalka Kenya wadaan Duqaymo xagga cirka ah.

Deegaanka Ceel-Cadde ayaa Jimcihii hore kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada Dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen askar u dhalatay dalka Kenya.

Ciidamada Kenya, ayaa talaadadii dib ugu laabtay Ceel-Cadde, ayaga oo sheegay inay ugaarsanayaan kuwii ka dambeeyey weerarkii askarta badan looga dilay.