DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo Siyaasad Cusub la tagay Beledweyne

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan munaasabad lagu kala bedalayo Saraakiisha ciidanka Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada sida Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka amniga,Wasiirka Badroolka iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale, munaasabada lagu kala badalayo saraakiisha ciidanka Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku biiray Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuuti Xasan Dharaar Hufane iyo Saraakiil Malitari oo ka socda dalka Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in amaanka Baladweyn si weyn loo adkeeyay,waxaana wali socda Xaflada xil wareejinta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-