DHAGEYSO:- Wasaarada Arrimaha Gudaha oo War ka soo saartay Shirka Jowhar iyo amar ay dul dhigtay Odayaasha dhaqanka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qaabka loo qeybsanayo Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo ka soconaya Magaalada Jowhar.

Wasaaradda ayaa sidoo kale Amar dul dhigtay Beelaha ka qeyb galaya Shirkaasi,iyadoo Amartay in Beelaha ka qeyb galaya ay Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulkasi ay ku soo xareeyaan mudo ku siman 48 Saacadood.

Guddoomiyaha guddiga fududeynta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe Muqtaar Shiikh Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta la hadlay ayaa aqriyay go’aanka Wasaarada Arrimaha gudaha

Hoos ka aqriso Liiska Beelaha kana dhageyso shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha

Abgaal 15 Xubnood

Xawaadle 13 Xubnood

Gaal-jecel 6 Xubnood

Gugun-dhabe 6 Xubnood

Jareer weyne 6 Xubnood

Habar-gidir 5 Xubnood

Ujeejeen 2 Xubnood

Surre 2 Xubnood

Moobileen 2 Xubnood

Hilibi Labo Xubnood

Reer Aw-xasan  2 Xubnood

Shiiqaal 2 Xubnood

Yaxar 1 Xubin

Carab Hal Xubin

Oysin 1 Xubin

Murusade 1 Xubin

Wadarta Guud ee Odayaasha ka qeyb galaya Shirka waxaa ay noqoneysaa  67 Xubnood.