TOP NEWS+DHAGEYSO:- Dadkii ka barakacay deegaanka Ceel-Cadde oo gaaray Magaalada Garbahaareey

0

Qaar ka mid ah Dadkii isaga Barakacay deegaanka Ceel-cadde iyo Deegaanada kale ee ka agdhow  kuwaas oo Saameyn Xoogan ku  yeelatay Duqeyntii Diyaaraha Dagaalka Kenya geysteen ayaa Maanta waxaa ay gaareen Dagmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee Gobolka Gado.

Waxaaa ay sheegeen Dadkaan in ay la-kulmeen Dhiibaato aad u adag Dadka dhana ay Barakeen.

Qaar kamida Dadka Maanta Garbahaarey Gaaray oo la hadlay Warbaahinta Warbaahinta waxaa ay codsadeen in ay gargaar u baahan yihiin, ayna jirto Xaalada adag oo Dadka soo wajahday.

Duqeynta ay Diyaaraha Dagaalka ee Kenya ka geysteen Gobolka Gado kadib Dagaalkii Al Shabaab ku qaadeen Ceel-cadde oo Xero Ciidan ku lahayeen Ciidanka Kenya waxaa Soo baxay in Duqeynta ay wax yeelo aad u badan kasoo gaartay Dadka Shacabka ah oo meelo badan oo kamida Gobolka Gado ku nool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-