TOOS JOWHAR:-Madaxweynaha ayaa furay shirka Jowhar balse ilaa iyo hada hakad ayuu ku jiraa iyadoo wasaarada amniga eedeynta ugu weyn loo jeedinaayo

0

Waxaa wali hakad ku jira shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan wali si rasmi ah loogu guda gelin wajiga labaad ee shirka, kadib markii qaar ka mid ah beelaha dega labada gobol ay ka hor yimaadeen qeybintii odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada.

Shirka oo 12-kii bishan uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay wax shir oo kale dhicin.

Cabashada ka imaanaya beelaha ayaa ka dambeysay markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo bandhigtay sida beelaha loogu qeybiyay tirada odayaasha soo xulaya ergada ee la xareynayo.

Ergooyin ku sugnaa magaalada ayaa isaga baxay, kadib markii ay sheegeen in la duudsiiyay xaqooda, isla markaana lagula dhaqmay cadaalad daro, waxaana taasi ay keentay inay dib u sii dhigto wajiga labaad ee shirka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda labada gobol ayaa ku dhaliilay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, in aysan si cadaalad ah u qeybin saamiga beel walba ku laheyd labada gobol iyo in aan lagu tixgelin deegaanada ay degaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Jowhar iyo Muqdisho ayaa wada kulamo lagu dhameynayo cabashooyinka, waxaana lagu wadaa in wafdi ka socda dowladda Federaalka ay u ambabaxaan Beledweyn, si beelaha diidan shirka iyo qaabka uu ku socdo loo qanciyo.

Inkastoo dib u dhac badan uu ku yimid howlaha maamul u sameynta labada gobol, tan iyo markii la saxiixay isku darka labada gobol bishii Agosto ee sanadkii hore, ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa inuu gaab sii galo howlaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.