Beel Cusub oo ka baxday Shirka Jowhar ka dib amar ay Maanta soo saartay Wasaarada Arrimaha Gudaha

0

Iyadoo Maanta ay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Sooaaliya soo saartay mar kale qaabka ay u qeybsanaya beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee maamulka loo sameynayo.

Waxaa Maanta isaga baxay beel kale oo ka soo horjeesatay qaabkii loo qeybiyay ergooyinka.

Beesha Shiikhaal oo ka mid ah beelaha dega labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa si weyn uga soo horjeesatay qaabka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta labada gobol.

Beesha Shiikhaal ayaa ku tilmaamay shaxda ay soo bandhigtay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee ah oday dhaqameedyada soo xulaya ergada inay tahay mid qalad ah oo aan laga tashan.

Waxay sidoo kale sheegtay in hore uu Wasiirka Arrimaha Gudaha C/maan Maxamed Xuseen uu u ballanqaaday in wadatashi uu la yeelanayo beelaha daga labada gobol balse uu dhinac maray oo uu isagoo oo aan qofna la tashan ku dhowaaqay shaxda dadka ka qeybgalaya wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

”Beesha Sheekhaal waxa ay degan tahay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe tirada ay soo gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha gudahana ma aha mid caddaalad ah ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay nabadoonada Beesha.

Waxaa hakad ku jira wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo inta badan beelaha ay diideen qaabka ay wasaarada arrimaha gudaha wax ugu qeybisay beelaha dega labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.