XOG+AKHRISO:- Tirada ciidamada Kenya ee hada ku sugan Ceel-cadde iyo Askarta wali maqan

0

Tan iyo weerarkii Alshabaab Jimcihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaa xogo kala duwan ay kasoo baxayeen askarta nolosha ay ku qabteen ciidamada Alshabaab ee weerarka geystay.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa ku dhawaad 240 askari oo Kenyan ah ay ku sugnaayeen xerada ciidan ee kutaala deegaanka Ceelcade markii weerarka uu dhacayay, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Saldhigaasi waxaa hogaamiye ka ahaa hal sarkaal sare iyo afar kabtan waxayna talada la wadaagayeen saraakiil kale oo Soomaali ah oo xerada kagala shaqeyneysay.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 63 askari oo Kenyan ah ayaa loo maleynayaa iney weerarka ku dhinteen, waxaa maqan tiro askar aan la shaacin kuwaasi oo qaarkood afuub ahaan Alshabaab u qabteen halka kuwo kalana keymaha ay ku baxsadeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada Militariga David Obonyo ayaa murun ka keenay in 240 Askari Kenyan ah ku sugnaayeen dhismaha, laakiin ma uusan bixin tirada rasmiga ah ee xerada ku sugnaa. Wuxuuse sheegay in ciidamo Kenyan ah ay ku sugnaayeen xerada.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay kaga digeen suura galnimada weerar ka dhaca xerada.

Cabaas Ibraahim Gurey, oo ah taliyaha ciidamada dowlada SOomaaliya ee Gedo ayaa sheegay in horey ay u hayeen xogo la xiriira weerar Alshabaab ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ku sugnaayeen.

“Waxaa jiray warbixino sirdoon oo horey loo hayay, qorshaha weerarka waan ogaanay ciidamada kenyana diyaar ayay u ahaayeen, balse xili aan la fileyn ayay dhacday”ayuu yiri taliyaha ciidamada xooga dalka ee Gedo.

Saldhiga weerarka uu ka dhacay ayaa ciidamada Soomaalida la sheegay iney ka fog yihiin ku dhawaad 600 oo Miter.