VIDEO:- Xukuumada Soomaaliya oo joojisay Ciyaarihii ka socday Garoonka Koonis iyo hal Arrin oo la ogaaday

0

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo ciyaaraha ka socda Garoonka Stadium Koonis ee degmada C/casiis.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in la hakiyay ciyaarihii ka socday garoonkaas muddo aan la cayimin, kadib markii uu ku eedeeyay xiriirka kubadda cagta inay bilaabeen tikidho suuq madow ah oo lagu galo ciyaaraha.

Mr Dhuubow ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowladda ay wax ka ogaato qarashaadka soo gala garoonka, isagoo xusay inay ka war helaan in lacagaha ka soo xarooda garoonka ay jeebka ku shubtaan shaqsiyaad gaar ah.

“Ciyaaraha muddo aan cayimneyn ayaa hakinay, maxaa yeelay waxaa soo baxday in boonooyin suuq madow ah la bilaabay in garoonka lagu galo, shaqsiyaadka ka soo xaroodana ay shaqsiyaad ka tirsan xiriirka ay jeebka ku shubtaan, dhowr jeer ayaa ku talinay in Wasaaradda wax ka ogaato boonooyinkaas iyo inay noqdaan kuwo sharci ah, laakiin ma dhicin”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyada iyo Hanti dhowrka guud aanay waxba kala socon qarashaadka, isla markaana tikidhada lagu galo garoonka ay noqdeen kuwo si suuq madow lagu sameysto, isla markaana sharci daro ah, taasoo uu tilmaamay inay horay uga digeen.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=lOvkcA-lh78