TOP NEWS+DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo fariin adag u diray Madaxda maamul goboleedyada

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Maamul Goboledyada dalka ka jira looga baahan yahay inay gacanta ku dhigaan Degmooyinka ka maqan ee ay maamulayaan Shabaab.

Waxa uu sheegay Maamul Goboledkasta inay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii nidaamka Dowliga ah loo gaarsiin lahaa dhulka uu maamulkaasi ka taliyo, gaar ahaan meelaha Shabaabka ay haystaan.

Iyagoo kaashanaya ayuu yiri ciidamada Amisom iyo ciidanka kale ee Dowladda ayuu Madaxweynaha tilmaamay inay muhiim tahay sidii ay u abaari lahaayeen Deeganada ka maqan gacantooda.

Madaxweynaha wuxuu sheegay dhamaan Maamul Goboledyada dalka ka jira meelaha ay ku magacaaban yihiin inaysan gacanta kuwada haynin oo meelaha qaar ay joogaan Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa haysta Deegaano iyo Degmooyin badan oo ku yaallo Koonfurta Somaliya oo ay ka jiraan Maamul Goboleedyo hoostagga Dowladda Dhexe ee dalka.

Deeganada Shabaabka ay joogaan ayaa waxaa ka jira,maamulka Shabaabka, waxaana dadka ay ku dhaqmaan Shuruucda ay soo dejiyaan Shabaabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-