DHAGEYSO:- QM oo warbixin dheer ka soo saartay Soomaalidii ka soo laabatay Dalalka Kenya iyo Yemen

0

Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in nafaqo daro & baahi laga baqayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkaan, taasi oo loo sababeynayo daadadka iyo abaaraha ay sababeen Duufaantii El Nino.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 300.000 oo caruur ah oo ka hooseeya da’da 5 sano iney dareemayaan nafaqo daro iyadoo ku dhawaad 56,000 la sheegay iney wajahaan xaalad baahi oo aan wanaagsaneyn.

Peter De Clerq oo ah isku duwaha hayada arimaha bini’aadanimada UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dalbaday 885 Milyan oo doolar oo uu sheegay in la doonayo in lagu yareeyo baahida ay qabaan dadka cuntada u baahan.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa roobab la’aan ka dhacay dalka Soomaaliya ka dhashay abaaro saameeyay dad badan oo Soomaaliya waxaana la sheegay in ku dhawaad 260.000 oo ruux ay ku waxyeeloobeen.

Dhaqaalaha ay dalbatay hayada arimaha bini’aadanimada qaramada Midoobay ayaa la doonayaa in gargaar loogu sameeyo dadka u baahan, sida uu sheegay de Clerq.

Ku dhawaad 30,000 oo Soomaali iyo yemen ah ayaa sidoo kale soo gaaray dalka Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay, waxaana qaarkood u baahan yihiin caawinaad dhanka raashiinka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-