Kenya oo sheegatay inay dileen 53-Dagaalyahan “Juungal waa mid ka mid ah goobaha ugu weyn ee Al-Shabaab ka qorsheeyaan weerarada”

0

Kenya ayaa sheegtay in 53 dagaalyahan oo 10 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil sare sare lagu dilay howl gallo milateri ka dhacay Soomaaliya, kaasoo lala beegsaday xarumo ay ka abaabulaan weerarada.

Weerarka hore ayaa la sheegay inay fulisay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanka leeyahay, waxaana ay duqeyn ka geysatay inta u dhaxeysa degmada Baardheere iyo Buur Haaji, halkaasoo lagu dilay labo sarkaal oo magacyadooda lagu sheegay Jaamac Dheere iyo Ismaaciil Jabhad.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col, David Obonyo ayaa sheegay in weerar kale oo ahaa duqeyn ay fuliyeen Ciidamada AMISOM ay la beegsadeen deegaanka Juungal oo 40km dhanka galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Col. Obonyo ayaa sheegay in halkaas lagu dilay 51 dagaalyahan oo ay ku jiraan tiro saraakiil dhexe oo ku jira kuwii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay magaalada Mandera.

“Juungal waa mid ka mid ah goobaha ugu weyn ee Al-Shabaab ka qorsheeyaan weerarada ee Gobolka Gedo, weerarkan wuxuu dib u dhac weyn ku yahay argagixisada”ayuu yiri Col. David Obonyo.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay inay wali baadigoobeyso tiro dagaalyahano la la’yahay, kadib weerarkii Ceel-Cadde, waxaana dadka deegaanka Gedo ay sheegeen inay maqlayeen guuxa diyaarado dul heehaabaya agagaarka deegaanka Ceel-Cadde.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geysanayay deegaano ka tirsan Jubadda Dhexe iyo Gedo, waxaana Al-Shabaab ay sheegtay in duqeymahaas ay ugu aar-gudanayaan shacabka weerarkii khasaaraha fara badan ka soo gaaray maalintii jimcihii la soo dhaafay.