Faah faahino ka soo baxaysa weerar lagu qaaday jaamacad ku taala Pakistan iyo khasaaraha oo soo kordhaya

0

In ka badan 20 ruux ayaa ku naf waayay sidoo kalena 50 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Taliban ku qaadeen jaamacad ku taala waqooyi galbeed dalka Pakistan.

Wararku waxay sheegayaan in koox hubeysan ay gudaha u galeen jaamacada la yiraahdo Bacha Khan oo ku taala magaalada Kharsada qiyaastii 140 km u jirta magaalada caasimada ah ee Islamabad xilligaasna waxaa socday xiisadaha ay ardaydu qaadanayeen.

Warar laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa sheegay in 50 ruux oo ay ku jiraan arday iyo macalimiin dhaawac ah la geeyay qaarkoodna waxay qabaan dhaawacyo culus.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay toogasho ku dileen kooxdii jaamacadda weerartay oo 6 ruux ka koobnaa isla markaana la bad baadshay illaa iyo 3,000 oo arday ah oo jaamacadda ku jiray.

Wararku waday sidoo kale sheegayaan in xilliga weerarku dhacayay ay socotay xaflad lagu tartamayay suugaanta dalka Pakistan.

Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Wasaaradda waxbarashada dalka Pakistan war ay soo saartay waxay ku sheegtay in xarumaha waxbarashada dalkaasi si ku meel gaar ah loo xirayo illaa iyo dhamaadka sanadkaan.