DHAGEYSO:- Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegay in Kenya lagula Xisaabtamayo duqeyntii ay ka geysatay Gedo

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlaamnka Soomaaliya, Masuuliyiinta Gobolka Gado, iyo qeybaha kala duwam ee Ururadda Bulshada rayidka kuwaas oo kasoo jeeda Gobolka Gado  ayaaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana kaga hadleen Duqeynta Diyaaraha Ciidanka Kenya ay ka geysteen Gobolka Gado,  oo ay ku dhinteen Dad Shacab ah halka kuwo kalana ay ku barakaceen, kadib Dagaalkii Al Shabaab ku qaadeen Ceel-cadde.

Waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin dhibaatada Dadka rayidka ah Kenya u geysatay iyo sida wax u dhaceen.

Xildhibaan Cfitaax Nuur Mataan oo kasoo jeeda Gobolka Gado waxaa uu sheegay in Dowlada Kenya lagula Xisaabtamayo Dhibaatada ay geysatay, isaga oo intaaa ku daray Maandheydka Ciidanka AMISOM Soomaaliya ku joogaan aysan ku jirin in leyska duqeeyo meeshii ladoono.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gado Axmed Buule ayaa tilmaay in ay haboon tahay in la kala saaro Dadka Shacabka ah iyo Shabaab, uuna ka xun yahay dhibaatadii gaartay Ciidanka Kenya.

Dhalinyarada Gobolka Gado dhankooda waxaa ay sheegeen in Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay geysteen Saameyn Xoogan ku yeelatay Gobolka Gado oo dhan, illaa hadana ay jirto Dad la’la yahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-