DHAGEYSO:- Xaalad nolol xumo oo laga soo sheegayo Ceel Cadde iyo Ciidamada Kenya oo dib ugu laabtay

0

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, Cabdi Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in xaalad bani’aadminnimo oo adag ay ka jirto deegaanka.

Ciidamada Amisom ee Kenya ayaa shalay dib ugu laabtay Ceel-Cadde kadib markii Maleeshiyada Al-Shabaab, ay Jimcihii (1/15/2016) weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenay ee Ceel-Cadde, halkaasi oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya, halka qaar kalena weli la’ yahay, ayaga oo sidoo kalena qabsaday hub.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, Cabdi Cali Cabdi Qoorleex, waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay raadsanayaan oo keliya maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegya inay jiraan ciidamo ay soo badbaadiyeen dadka rayidka.