DHAGEYSO WAREYSI:- Wiil ay dhaawaceen Al-Shabaab oo geeriyooday iyo qoyskiisa oo Wareysi qiiro badan siiyay Warbaahinta

0

Saalax Sabdow Faarax oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa bas ay bil ka hor soo weerareen Rag ka tirsan Ururka Al-Shabab isaga oo maraayey meel u dhaxaysay Magaalada Mandheera iyo Ceel-Waaq, ayaa Maanta u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Saalax Sabdow Faarax ayaa waxa uu dhaawacmay isaga oo isku dayayay inuu badbaadiyo dadkii kiristaanka ahaa ee la socday baskaasi.

Geerida Saalax Sabdow Faarax ayaa Waxaa laga Wareystay Walaalkiis Ismaaciil Sabdow Faarax isla markaana waxa uu sharaxaya geeridiisa iyo sida uu u dhaawacmay.

Hoos ka Dhageyso Wareysi qiiro badan:-