DHAGEYSO:- Nin Sawirada Kenya oo la laayay Whats Upp-ka ku faafiyay oo Maxkamad la soo taagay

0

Ruux u dhashay dalka Kenya ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu baahiyay sawirada askartii lagu dilay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo jimcihii lasoo dhaafay Alshabaab weerar qasaaro badan dhaliyay ay ka geysteen.

Ruuxaasi Kenyanka ah oo lagu magacaabo Eddy Reuben, ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Kenya, isaga oo beeniyay eedeymaha loo jeediyay waxaana la dhigay xabsi ciidamada ay leeyihiin.

Kenya ayaa waxii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde waxay soo saartay digniin ah inaan la baahin Karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo sawirada askarta dowlada Kenya ee la dilay.

Mr Eddy, ayaa la sheegay in lagu soo oogay dambigaasi kadib markii la ogaaday in aalada WhatsApp-ka uu ku faafiyay sawirada askarta dowlada Kenya ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde.

Dowlada Kenya ayaanan shaacin tirada askartii looga dilay deegaanka Ceel-cadde weerarkii ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, waxayna kaga digeen dadka reer Kenya iney baahiyaan sawirada waxyeelada ka dhalatay weerarkaasi.

Alshabaab oo sheegtay masuuliyada weerarkaasi ayaa shaaciyay in ku dhawaad 70 askari ay ku dileen deegaanka Ceel-cadde ayna gacanta ku dhigeen askar Kenyan ah iyo gaadiid dagaal.

Hoos ka Dhageyso Codka:-