DHAGEYSO:- Masuul ka tirsan Ahlu Sunna oo Arrin Muhiim ah ku dhawaaaqay

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Cali baashi Faarax Cali ayaa sheegay in ay socdaan dadaalada uu wado Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo dan u ah Shacabka Sooomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Gobolada Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ka aqbaleen Arrimihii uu kala jhadlay isla markaana ay meel wanaagsan marayaan.

Bilowga bishaan Janaayo ee sanadkaan ayay ahayd Markii Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay gaareen magaalada Dhuuso Mareeb.

Sidoo kale Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagu Heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Hoos ka Dhageyso Codka:-