DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul ugu hadlay kala qeybsanaanta Ciidanka Dowlada

0

Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Ciidamada kala qoqoban ee Qolo walba ay Ciidan u gaar ah leedahay,waxaana uu sheegay in Ciidamada Nuucaas ah ay qeyb ka qaadan karaan Amni xumida Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Soomaalida intaba looga baahan yahay in ay wax ka qabtaan Arrintaasi islamarkaana loo baahan yahay in la helo Ciidamo Qaranku uu leeyahay oo mideysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Qorshaha Mideynta Ciidamada isku dhafkaa ee Soomaaliya,waxaana uu soo jeediyay in la taageero Qorshaha Ciidamada isku dhafka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay sanadkaaan ahmiyada kowaad siineyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Dowlada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-