DHAGEYSO:- Maamulka G/Bari oo si adag u dhaliilay Siyaasiyiinta Puntland

0

Gudoomiyaha Gobolka Baeri ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay falal amni daro ah iyo Warqado lagu daadiyay Magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in amni darada iyo warqadahaasi la daadiyay ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la qalqal geliyo shacabka Puntland isla markaana laga shaqeeyo amni darada deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sidoo sheegay in amni darada Magaalada Boosaaso ay ka dambeeyaan siyaasiyiin horay xilal kala duwan ugu soo qabtay Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-